Askar katirsan Xukuumadda Yaman Oo Abyan Lagu dilay.

Wararka ka imaanaya dalka Yaman waxay ku waramayaan in gobolka Abyan oo dhaca koonfurta dalkaas uu ka dhacay howlgal militeri oo ay fuliyeen rag loo badinayo iney katirsan yihiin Mujaahidiinta Al-Qaacida.

Bar kontrool oo ay ku sugnaayeen askar katirsan xukuumadda taagta daran ee Yaman, kuna taalla degmada Axwar ee gobolka Abyan ayaa la kulantay weerar kedis ah.

Ugu yaraan shan askari oo kamid ah ciidamadii goobta ku sugnaa ayaa la dilay, halka labo kalana ay dhaawacmeen, sida ay sheegayaan saraakiil katirsan ciidamada xukuumadda Yaman oo la hadlay warbaahinta.

Inkastoo weli aysan jirin war kasoo baxay Al-Qaacida, hadana saraakiisha dowladda Yaman waxay sheegayaan in weerarkan ay ka dambeeyaan Al-Qaacida.

Weerarkan wuxuu meesha ka saarayaa warar ay warbaahinta dhowr jeer ka sheegeen saraakiisha xukuumadda Yaman kaas oo ahaa in gobolka Abyan ay ka nadiifiyeen Mujaahidiinta, waxaana weli gobolka uu ku jiraa meelaha ay ku xooganyiin dagaalyahannada Al-Qaacida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.