Cabdi Iley Oo la ogeyn Xaalkiisa iyo Jigjiga Oo ay la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa la wareegay gebi ahaanba gacan ku haynta magaalada Jigjiga oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn ee dhulka Soomaali-galbeed ee ku jira gumeysiga Xabashida.

Ciidamada Itoobiyaanka oo wata gaadiidka gaashaman ayaa la wareegay xarunta madaxtooyada is maamulka Cabdi Iley ee taabacsan Xabshida, xarunta Baarlamaanka iyo sidoo xarunta Tvga ku hadla afka maamulka Ina Iley.

Waxaa la ogeyn halka uu ku dambeeyo Cabdi Iley oo loo badinayo in ciidamada Xabashida ay gacanta ku dhigeen, waxaana malleeshiyaadka Liyuu Police-ka ay isku dayeen iney la dagaallamaan Xabashida.

Ciidamada Itoobiyaanka ayaa la sheegayaa iney boobeen xarumo ganacsi oo ku yaala magaalada Jig-jiga, kuwaas oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Lama oga waxa rasmiga ah ee uu salka ku hayo arintan, waxaaase muuqaneysa in Cabdi iley iyo Abiye Axmed uu soo kala dhexgalay khilaaf, taasna ay keentay in la afgembiyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.