wararka

Ciidama Maraykan ah oo ay wehlinayaan Soomaali Oo Dad Shacab ah ku dilay Duleedka Leego.

xalay fiidkii hore waxaa deegaannada hoos yimaada Leego oo dhacda wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ka dhacay xasuuq arxan daran oo ay ku kaceen malleeshiyaad Soomaali ah oo ay la  socdeen saraakiil Ameerikaan ah.

Ugu yaraan 4 ruux ayay ciidamadan Soomaalida ah ee ka amar qaata Maraykanka ku dileen nawaaxiga Leego.

Dadka dhintay waxay kala yihiin labo nin, Hooyo iyo wiil yar oo ay iyadu dhashey.

Dadka deegaanka ayaa saaka aasay meydadka dadka xalay ay ciidamada  Soomaalida ee saraakiisha Maraykanka la socoday ku laayeen duleedka Leego.

Ciidamadan gumaadka geystay ayaa kasoo duulay garoonka Ballidoogle oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya, waxaana marar badan ciidamada Maraykanka iyo malleeshiyaadka uu ku shaqeysto ay geysteen gabood fallo naxdin leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*