Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Weeraray Siinka-Dheer iyo Qoryoolay.

Waa ciidamo katirsan Mujaahidiinta.

Habeenimadii xalay, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Ciidamada Mujaahidiinta oo aad u hubeysan ayaa dagaal ku galay magaalada Qoryoolay oo kamid ah degmooyinka gobolka Shabeellaha-hoose, waxaana halkaas uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa dowladda ee joogay.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Al-Shabaab waxay weerar ku qaadeen saldhig ciidamo katirsan PS-ta ama sirdoonka dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho.

Rasaas ayay labada dhinac is weydaarsadeen, waxaana la arkayay ciidamada dowladda oo baqa cararaya.

Howlgallada kala duwan ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si dardar leh ku socoda, waxaana muuqata in ciidamada dowladda ay markan rasaastu u badantahay, maadaama Shisheeyuhu ay is uruuriyeen islamarkaana ka hakadeen inbadan isticmaalka wadooyinka koonfurta Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.