Ciidamo Kenyan ah Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Qarax Ka dhacay Laamu.

Wararka ka imaanaya dhulka ay musimiintu leeyihiin ee xeebaha Kenya ayaa sheegaya in qarax culus lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda Kenya.

Gaaari nooca Kooyalka ah oo ay saarnaayeen Askar farabadan oo katirsan milliteriga dalka Kenya ayaa gebi ahaanba basbeelay, kadib markii ay haleeshey miino dhulka lagu aasay.

Gaariga kooyalka ah ee la qarxiyay waxa uu marayay nawaaxiga deegaan lagu magacabo Boodhaay ee gobolka Laamu, waxaana tirada dhimashada ah ee la helay ay gaareysaa 9 askari oo kenyaati ah.

Afhayeenka Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Cabdul-caziiz Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta islaamiga ah wuxuu sheegay in Mujaahidiintu ay masuul ka yihiin weerarkaas guuleystay, Askarta Kenyaatigana lagu gumaaday.

Qaraxan dhimashada badan dhaliyay waxa uu yimid saacado kadib markii diyaaradaha dowladda Kenya qeybo kamid ah gobolka Gedo ay ka geysteen duqeyn aan loo meel dayin, taas oo ay waxyeello kasoo gaartay qaar kamid ah dadka muslimiinta, xoolo badanna ay ku dhinteen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.