DEG-DEG: Camaliyad Nafhurnimo Oo Ruxday Fariisin ku yaala Degmada Afgooye.

War kusoo dhacay warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan ayaa xaqiijinaya in camaliyad Nafhurnimo oo aad u xoogan ay goor dhaweyd ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose, oo 30km ka fog magaalada Muqdisho.

Warar aynu heleyno waxay sheegayaan in qof Naftii hure ah uu beegsaday bar kontorool oo ay ku sugnaayeen ciidamo gaar ah oo katirsan dowladda.

Khasaare aad u farabadan ayaa lasoo sheegayaa in camaliyadan ay geystay, waxaana khasaaraha horudhac ah ee la helayo ay gaarayaan dhimashada 10 askari iyo dhaawac kuwa kale.

Ciidamada la beegsaday ayaa la sheegayaa in dhawaan halkaas la keenay, ayna u gogol xaarayaan booqasho uu dhawaan magaalada Afgooye ku imaan lahaa madaxweynaha dowladda Farmaajo.

Wixii kusoo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.