Diyaarad kudhawaad boqol ruux siday oo ku burburtay dalka Mexico.


Diyaaradan oo ahayd noocyada rakaabka islamrkaana siday kudhawaad boqol ruux ayaa ku burburtay wuqooyiga dalka Mexico, waxaana lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare nafeed.

Saraakiisha dowladda Mexico waxay sheegayaan in diyaaradda ay saarnaayeen ugu yaraan 97 rakaab ah, oo ay dheeryihiin shaqaalaha diyaaradda, islamarkaana ay jirto waxyeelo dhaawac ah oo gaartay inta badan rakaabka.

Diyaaradda waxay ka duushey garoonka magaalada Durango ee dhacda wuqooyiga dalka Mexico, waxaana ay ku burburtay oo ay kusoo dhacday meel 10km u jirta garoonka diyaaradaha.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo gaadiidka dowladda Mexico Gerardo Ruiz Esparza ayaa bartiisa twitterka wuxuu kusoo qoray hadal kooban oo uu ku xaqiijinayo burburka diyaaradda.

Alejandro Cardoza oo ah afhayeen u hadlay hay’adda difaaca madaniga ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 85 ruux ay ku dhaawacmeen burburka diyaaradda, islamarkaana dhaawacyada qaar ay xaaladoodu aad u liidato.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.