Diyaaradaha Maraykanka Oo dad shacab ah ku dilay Shabeellaha-hoose.

Markale, waxay diyaaradaha dowladda Maraykanka duqeyn cadowtooyo ka geysteen qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku dileen dad shacab maati aan waxba galabsan.

Duqeyn diyaaradeed ayaa ka dhacday inta u dhexeysa deegaannada Goobaale iyo Baladul-Amiin ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 ruux.

Diyaarad Drone ah oo ay leedahay dowladda Maraykanka ayaa dhowr gantaal la dhacday gaari ay saarneeyeen dhowr ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan ganacsato caan ka ah Shabeellaha hoose.

Saddexda ruux ee ku shahiiday duqeynta waxaa lagu kala magacaabaa Cabdi-nuur Aadan, Cabdi-Samad Xassan Yarow oo ahaa Injineero qoda Ceelasha, iyo mas’uulkii laanta shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay ku lahayd deegaanka Goobaale oo lagu magacaabo Cabdi-Samad Sheekh Isxaaq.

Ma ahan markii ugu horeysay oo diyaaradaha dowladda Maraykanka ay dad shacab ah ku gumaadaan Soomaaliya gaar ahaan wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose, wuxuuna qorshahan gumaadka ah uu qeyb ka yahay go’aan ay dowladda Maraykanku ku qaadatay iney si bareer ah u leyso shacabka Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.