Dowladaha Yurub iyo Maraykanka Oo u doodaya Hal Maxbuus oo ku xiran Xarameynka!

Iyadoo kumanaan ruux ay ku xiranyihiin xabsiyada maamulka Aala-Sucuud, bilooyinkii lasoo dhaafana boqollaal ruux oo ducaad iyo aqoonyahanno isugu uu maamulku Xabsiyada u taxaabay, ayay dowladaha Yurub iyo Maraykanka waxay xooga saarayaan oo keliya hal maxuubs.

Maxbuusadan oo haweeney ah ayaa darteed waxaa isugu dhacay dowladaha Canada iyo maamulka Aala-Sucuud, waxaana labada dowladood ay kala jarteen xiriirka ganacsiga iyo diblumaasiyadda.

Dowladaha Yurub iyo Maraykanka ayaa kusoo biiray khadka dagaalka diblumaasiyadeed ee Canada iyo Aala-Sucuud ka dhexeeya, waxaana ay dalbadeen in la cadeeyo macluumaadyada la xiriira qaar kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada maamulka Aala-Sucuud.

Dhowr ruux oo rag iyo dumar ka kooban, islamarkaana ah cilmaaniyiin baraha bulshada ka dhaliilay maamulka Aala-Sucuud iyo siyaasadiisa ku aadan waxa loogu yeero Xuquuqda insaanka ayaa kamid ah kumanaanka ruux ee ku xiran xabsiyada maamulka Aala-Sucuud, waana kuwa keliya ee ay warbaahinta iyo reer galbeedkuba u doodayaan.

Waxaa la iska illoobay maxaabiista muslimiinta ee tobanaanka sano ku xiran xabsiyada maamulka Aala-Sucuud, maadaama dembiga loo heysto ay tahay iney ka run sheegeen diinta Islaamka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.