ECENOMEST: In kaniisad laga furo dhulka Xarameynka waa arin waqti ku xiran!

 

Wargeyska Economest ayaa warbixin waxa uu ka qoray qorshe ay wadaan maamulka Aala-Sucuud, kaas oo lagu doonayo in kaniisado looga furo dhulka Xarameynka uu ku yaalo ee Jaziiratul Carab.

Wargeyska oo soo xiganaya saraakiil katirsan maamulka Aala-Sucuud ayaa hoosta ka xariiqay in si dar dar leh loo wado qorshe la doonayo in kaniisado looga furo dhulka Xarameynka, kaniisadhaas oo ay leeyihiin dad Kirishtaan ah.

Economest oo kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa kasoo xiganaya mid kamid ah la taliyaasha boqorka Aala-Sucuud boqor Salmaan, oo uusan magaciisu sheegin, in xilli aana fogeyn kaniisad laga dhisi doono dhulka Xarameynka.

Goobta laga furi lahaa kaniisadda ayaa la sheegay in lagu xiray silig, si aysan dadku ugu soo dhawaan, waxaana lagu waramayaa in kahor inta uusan Islaamku la wareegin Jaziiratul Carab ay goobtaas ku ooli jirtay kaniisad ay leeyihii Nasaarada.

Warbixinta wargeyska Economest ayaa imaanaysa, todobaadyo kadib markii ay soo baxeen warbixino sheegayo in wadahadal hoose oo dhexmaray xubno kamid ah madaxda kaniisada Vaticanka iyo maamulka Aala-Sucuud la isku afgartay in si dhaqsi leh loo dhiso kaniisad ay leeyihiin Nasaarada.

Afhayeen u hadlay kaniisadda Katholiga ee dalka Masar ayaa sheegay inuusan beenin Karin, dhanka kalana sugi Karin wararka la xiriira in kaniisad laga furi doono dhulka Xarameynka, balse waxaa siyaaqa hadalkiisa ka muuqday in arintan ay dhab tahay.

Horey ayaa madax sar sare oo katirsan kaniisadaha Nasaarada waxay booqasho ku yimaadeen magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud, iyagoona la kulmay boqorka maamulkaas Salmaan bin Cabdil Caziiz.

Wixii markaas ka dambeeyay waxaa jiray warar isasoo tarayay oo xoog leh oo qeexaya in maamulka Aala-Sucuud ay qarka u saaranyihiin in kaniisad ay ka furaan dhulka Xarameynka.

Maraakizta reer galbeedka ee diraasaadka sameeya ayaa madaxdii hore ee Aala-Sucuud ku dhaliili jiray ineysan ogoleyn waxa loogu yeero xurriyada diimaha, waxaase muuqata in Muxamed bin Salmaan oo ah dhaxalsugaha Aala-Sucuud uu doonayo in meesha uu ka saaro eedaas, kasbadana raalli ahaanshaha Gaalada noocyadooda kala duwan.

Maamulka Aala-Sucuud wuxuu qaaday tallaabooyin hordhac u ah qorshaha uu doonayo ee ah in kaniisado uu ka furo dhulka Xarameynka, taas oo ah in xabsiyada uu ku guray culimada iyo ducaacada iyo cid weliba oo uu is dhihi karo waxay ka hor imaan kartaan go’aankana iyo kuwa lamidka ah.

Nabiga Sallaahu caleyhi wassalam ayaa horey u sheegay inaaney labo diimood ku kulmi Karin Jaziiratul Carab, waxaana muslimiinta Xarameynka ee ah dhashii saxaabada la gudboon iney fadhiga ka kacaan, islamarkaana difaacaan muqadasaastka muslimiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.