Foreign Policy: Maraykanku Qeyb ayuu ku leeyahay Dembiyada Dagaal ee Yaman.

Wariye lagu magacaabo Mikah Zinko oo kamid ah wariyaasha wax ku qora wargeyska Afka dheer ee Foran Policy ayaa maqaal cusub oo uu qoray wuxuu ku sheegay in dowladda Maraykanka ay qeyb ku leedahay dembiyada dagaal ee ka dhaca dalka Yaman.

Warbixintan oo ciwaan looga dhigay “ Maraykanka wuxuu qeyb ku leeyahay dembiyada dagaal ee Yaman”, ayaa lagu sheegay kaalinta dowladda Maraykanka ay ka cayaareyso xamalada milliteri ee isbaheysiga maamulka Aala-SUcuud uu hogaamiyo kawadaan dalka Yaman, taas oo ay ku waxyeeloobeen kumanaan ruux oo muslimiin Yamaniyiin ah.

Wuxuu sheegayaa wargeyska in kaalinta Maraykanka uu ka qaadanayo ol olaha isbaheysiga carbeed ee Yaman uu soo billowday 25-kii Marso 2015-ka, xilligaas oo afhayeen u hadlay Aqalka cad uu shaaca ka qaaday in madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas uu ogolaaday in taageero Sirdoon iyo mid lojistic ah la siiyo isbaheysiga uu uu hogaaminayo maamulka AalaSucuud.

Xilliga dowladda Maraykanka ay go’aansatay taageerada xamalada AalaSucuud, waxba kama ogeyn ahdaafta rasmiga ah ee xamladaas, qiimeyn dhab ahna kama heysan natiijada la filan karo iney ka dhalato.

Haweeney kamid ah senatarada Odoyaasha Maraykanka ayaa fadhi lagu qabtay aqalka Congreska waxay Taliyihii ciidamada dhexe ee Maraykanka waydiisay ahdaafta iyo ujeedooyinka xamlada  dowladaha carbeed ay ku qaadeen Yaman, wuxuuna ugu jawaabay inaanu waxba ka ogeyn.

Qoraaga warbixinta wuxuu sheegayaa in xamladan ay sababtay musiibooyin banii aadamnimo oo aad u xun, ayna ku kaceen diyaaradah isbaheysigaas gabood fallo xanuun badan, oo ay kamid tahay tii ugu dambeysay dhawaan ee ay ku dhinteen ardeyda aadka u badan, kadib markii mid kamid ah diyaardaha isbaheysiga ay duqeysay gaari rakaab ah oo ay saarnaayeen rakaab u badan caruur da’ yar.

Waxaa duqeyntaas ku dhintay 54 ruux, oo 44 kamid ay ahaayeen caruur da’ yar oo arday ahayd.

Dowladda Maraykanka ayaa ka aamustey gumaadkan uu ku kacay isbaheysiga Aala-Sucuud, kamana hadlin Trump ama wasiirkiisa arimaha dibadda, sida uu sheegayo wargeyska, taas oo muujineysa iney wax ka ogyihiin ama ugu yaraan ku qanacsanyihiin.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.