Hal Miylan oo Ruux oo gaaray dhulka Xarameynka si ay u gutaan waajibaadka Xajka.

Waxaa dhulka Xarameynka ku qul qulaya malaayiin ruux oo muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha adduunka, kuwaas oo doonaya gudashada waajibaadka Xajka iyo sidoo kale cumrada.

War kasoo baxay wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee maamulka Aala-Sucuud waxaa lagu sheegay in tan iyo markii uu billowaday qaabilaadda Xujaajta bartimihii bishan Dul-qacda illaa shalay oo Arbaco ahayd ay xujaajtu tiro ahaan soo gaartay Xarameynka gaareen hal milyan oo ruux.

Muslimiinta ayaa isaga imaanaya daafaha aduunka, waxaana wada mideynaya hal midab oo cadaan ah si ay u gataan  mid kamid ah arkaanta islaamka ee shanta ah.

Sanadkii hore waxaa xajka gutay 1.75 milyan oo ruux, halka Cumraradana ay guteen 6.53 milyan oo ruux, sanadkana ayaana la filayaa in tiradu intaas kasii badato.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.