Ina Ilay Oo Xilka ka degay, iyo Dabadhilif kale Oo Talada Loo dhiibay.

Dhulka Soomaali-galbeed ee ku jira gumeysiga Xabashida Itoobiya waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa xaalad ka duwan midii hore uga jirtay, kadib markii boqollaal askari oo Itoobiyaan ah ay gudaha u galeen magaalada Jigjiga oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn ee Soomaali-galbeed.

Gelitaanka ciidamada Itoobiya ee Jijiga wuxuu yimid sida muuqata kadib khilaaf soo kala dhexgalay Cabdi Ilay hogaamiyaha dabadhilfka ee maamulka Amxaarada hoostaga ee ka dhisan Soomaali-galbeed iyo ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiye Axmed.

Hadda, waxaa si lama filaan ah xilka uga degay Cabdi Ilay, isagoo u hogaansamaya cadaadiska dowladda Itoobiya.

Waxaa bedelkiisa Xabashidu u dhiibeen talada iyo maamulka dhulka gumeysiga ku jira ee Soomaali-galbeed nin lagu magacaabo Axmed Ilkacase.

Ilkacase ayaa horey usoo noqday wasiirkii maaliyadda ee maamulka Ina Ilay, iyo sidoo kale gudoomiyihii hore ee degmada Qabridaharre.

Waa dabadhilf kale oo aan wax badan ka duwaneyn Ina Ilay, waxaana la ogeyn inuu sii heyn doono iyo in la bedeli doono.

Isbedelkan lama filaanka ah ayaa qeyb ka ah isbedellada sida xowliga ku socoda ee uu ku dhaqaaqayo maamulka Xabashida Itoobiya, waxaana Abiye Axmed oo ah nin kirishtaan ah islamarkaana aad u neceb muslimiinta uu doonayaa inuu gumeysi weji cusub leh oo ka duwan kii hore uu geliyo dhulka Soomaali-galbeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.