Inta badan wadamada Yurub oo ay ka kaceen dab xoogan oo cagta mariyay Dhul beereed.

Bilihii lasoo dhaafay waxaa wadamada Yurub intooda badan uu Alle ku imtixaamay kuleyl joogta ah iyo dab xoogan oo cagta mariyay deegaanno baaxad leh oo ay dad badani degnaayeen.

Greega waxaa uu kamid yahay wadamada ugu badan ee uu dabka ka kacay, kaas oo geystay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Jaziirad lagu magacaabo Iifiya oo katirsan wadanka Greega  ayay sheegayaan inuu ka kacay dab xoogan, kaas oo cagta mariyay labo tuullo oo ay dad badani degnaayeen.

Dabkan cusub ayaa yimid bil kadib markii dalka Greega uu ka kacay dab ballaaran oo sababay dhimashada 90 ruux oo u dhashey dalka Greega.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Greega ayaa shaaca ka qaaday inuu isha ku hayo dabka socoda, islamarkaana uu la xiriirayo wasiirka arimaha gudaha, si loola socodo halka ay xaaladu mareyso.

Ugu yaran 500 oo ruux ayaa ka barakacay tuulooyinka ku yaala jaziiradda Iifiya ee dalka Greega, waxayna hadda qoxooti ku yihiin goobo ay dowladda u sameysay.

Howla dab damis ah ayaa ka socoda jaziiradda, kaas oo ay ka qeybgalayaan ugu yaraan 250 ruux oo kamid ah shaqaalaha dab damiska, welina majirto rajo la xiriirta in la damiyo dabka.

Maraykanka ayaa kamid ah wadamada uu sidoo kale dabkan ka kacay, inkabadan 100 meelood ayaa la sheegayaa iney ka kaceen dab xoogan oo cagta mariyay deegaano ay ku yaaleen dhul beereed muhiim ah.

Dhul beereedka qaar wuxuu isku bedelay meel abaar ah kadib markii uu dabku xaaqay wixii dhir ahaa ee ku yaalay dhulka, waxaana dowladda Maraykanka ay u taag heli weysay la tacaalida musiibadan rabaaniga ah.

Shaqaale badan oo dab damis ah ayay ka wacatay qaar kamid ah wadamada Yurub, waxaana weli socoda dabka.

Reer galbeedka oo inta badan dhaqda Lo’da ayaa waxaa markan lasoo gudbnaatay xaalada adag, maadaama cawskii ay Lo’da ku nooleyd uu dabka xaalufiyay.

Yurub iyo Maraykanka waxaa hadda kajira kuleyl siyaado ah, waxaana warbaahinta iyo xarumaha dadweynaha la taliya ay dadka ku amrayaan iney ku hakadaan guryahooda, biyo badanna isticmaalaan.

Halka wadamo badan oo muslimiin ah oo ay ku jirto Soomaaliya uu qabow meel dhexaad ah ka jiro, roobkana uu da’ayo waxaa wadamo badan ka jirta dhibaato iyo kuleyl adag, waxaana dadka la gudboon iney Allaah ugu shukriyaan nimcada uu siiyay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.