wararka

Itoobiya oo Dambiyo Badan Ku Eedeysay C/Iley Is Casilaadiisii Kadib!

Afhayenka rasmiga ah ee dowlada itoobiya ninka Somaliga ah ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku faahfaahiyay danbiyada maamulka Jigjiga lagu eedaynayo oo ay kamid yihiin, tacadiyada iyo caburinta dad weynaha, shirqooladii ka dhanka ahaa cuqaashii arrimhaasi ka hor timid, qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Jigjiga iyo arrimo kale.

Ninkan oo lagu magacaabo Axmad Shide, ayaa sheegay inuu Cabdi Iley mas’uul ka yahay dhammaan eedeymahaasi ay u soo jeedisay xukuumadda Adis-ababa.

Sidoo kale wuxuu muujiyay inuu dambi weyn ahaa hadalkii dhawaan kasoo yeeray Cabdi Iley ee ahaa inuu goosanayo maamulka Jigjiga, xilli aan ognahay in dastuurka Itoobiya uu qorayo in maamuladu goosan karaan.

Isagoo afka Axmaariga ku hadlaya ayaa waxa uu sheegay in dowlada dhexe ay amar ku bixisay in la xasiliyo amniga deegaanka, kala danbaynta iyo waxa uu ugu yeeray sarraynta sharciga.

Axmad Shidde, oo kamid ahaa raggii uu soo barbaarsaday Milles-zinawe, ayaa ah afhayeenka dowladda Itoobiya, waana xilka kaliya ee maamulka Soomaalida la gumeysto uu ku leeyahay dowladda dhexe ee Itoobiya.

Hadalkiisa ayaa waxa uu kusoo aaday kadib markii wafdi ka yimid magaalada Adis-ababa, ay habeenkii xalay Cabdi Iley ku khasbeen inuu is casilo.

Dabeecadaha Itoobiya lagu yaqaano ayaa waxaa kamid ah in dadka ay ku shaqeysato ay ugu dambeyntii meel xun uga tagto amaba ay disho.

Tan iyo sannadkii 2010-kii, waxay Cabdi Iley u adeegsanayeen gumaadka ummada Soomaaliyeed, waxaana ay haatan natiijadu noqotay in awaamiirtii ay siinayeen ay uga dhigeen dambe ay macquul tahay iney ku maxkamadeeyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*