Kamiin Ka dhacay Isgoyska Banaadir Oo lagu dilay Ciidamo katirsan Ilaalada Madaxtooyada.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa weerar kamiin ah ka fuliyay mid kamid ah isgoysyada ugu caansan magaalada Muqdisho, ee ku yaala bartamaha magaalada.
Ciidamada Mujaahidiinta oo helaya macluumaad gaar ah ayaa kamiin u dhigay ciidamo katirsan Ilaalada Madaxtooyada, kuwaas oo kusoo wajahanaa isgoyska Banaadir, waxaana markii ay soo gaareen Isgosyka lagu billaabay rasaas xoogan.
Kamiin dagaal isku bedelay ayaa goobta ka dhacay, waxaana ciidamada Mujaahidiinta ay goobta ku dileen 5 askari oo katirsan ciidamada loo yaqaano Koofiya guduuda oo kamid ah ciidamada sida gaarka ah u ilaaliya amaanka madaxtooyada.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda kamiinka maanta ka dhacay isgoyska Banaadir.
“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar labeegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen maleeshiyaadka Murtadiinta kuwa Koofiya casta loo yaqaan ee madaxtooyada ilaaliya, allaah fadligiis mujaahidiintu 5 askari ayay cadowga ka dileen sedax kalane waa ka dhaawaceen” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Weerarkan maalinta cad ka dhacay Muqdisho ahna kamiin ayaa muujinaya sida ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ugu sahlantahay iney Muqdisho ka fuliyaan weeraro waqtiga ay doonaan, waxaana weerarkii maanta aad u hadal haya warbaahinta.