Kudhawaad 10 kun oo Arday oo ku saamoobay khilaafka soo kala dhexgalay maamulka Aala-Sucuud iyo dowladda Canada.

Dhawaan wuxuu khilaaf dhanka diblumaasiyadda ah uu soo kala dhexgalay maamulka Aala-Sucuud iyo dowladda Canada, kadib markii wasaaradda arimaha dibadda dowladda Canada ay ugu baaqday xukuumadda Riyaad iney sii daysay maxaabiista qaar ee ku xiran xabsiyadeeda.

Maamulka Aala-Sucuud oo aad uga carooday baaqa dowladda Canada ayaa qaatay go’aan ah inuu xiriirka u jaro dowladda Canada, islamarkaana safiirkeedii ku sugnaa Riyaad u qabato 24 saacadood inuu kaga baxo dalkeeda.

Arintaas, waxay saameyn ballaaran ku yeelay mujtamac badan oo kamid ah dadka kasoo jeeda dhulka Xarameynka, kuwaas oo dano kala duwan u joogay dalka Canada.

Waxaa kamid ah dadka arintaas ay saameysay dad xanuunsanaa oo safaro caafimaad ku joogay dalka Canada, kuwaas oo iyagoo aan dhameysan dantooda ku qasbanaaday iney isaga baxaan dalka Canada.

7000 oo arday oo kasoo jeeda dhulka Xarameynka, waxna ka baranayay Jaamaacadaha kala duwan ee dalka Canada ayaa iyagana arintan ay saameysay, waxaana mid kastoo kamid ah ardeydaas uu baranayay, meel dhexena uu ka marayay takhasusu gaar ah.

Qaar kamid ah Ardeydaas waxay sugayaan oo keliya iney qaataan shahaadada, dhamaanna waxaa saameeyey khilaafka soo kala dhexgalay dowladooda iyo dalka Canada.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.