wararka

Maamulka Aala-Sucuud oo Xabsiga dhigay mid kamid ah Culimada u dhawaa Sheekh Safar Al-xawaali.

Iyadoo qeyb kah silsiladda taxana ah ee qabqabashada ducaada iyo cid weliba oo ka hor imaan karta maamulka Aala-Sucuud, ayay ciidamada amaanka xabsiga u taxaabeen mid kamid ah ducaada dhulka Xarameynka.

Xisaab ka furan barta twitterka oo soo gudbiya magacyada iyo macluumaadka dadka uu raafayo maamulka Aala-Sucuud ayaa shaaca ka qaaday iney xaqiijiyeen in xabsiga la dhigay Sheekh Axmed Al—cimaari oo horay u ahaa camiidka kulliyadda Quraanka kariimka ee Jaamacaadda Al-madiinatul Munawara.

Sheekh Axmed waxaa lala xiray mid kamid ah wiilashiisa, waxaana sheekha uu kamid ahaa culimada aadka ugu dhawaa, saaxiibna la ahaa sheekh Safar Al-xawaali, kaas oo dhawaan loo taxaabay xabsiyada maamulka Aala-Sucuud.

Xiritaanka sheekh Safar Al-xawali waxay timid kagadaal markii uu qoray kitaab uu nasaa’ix dhowr ah ugu diray maamulka Aala-Sucuud, kuna muujiyay khaladaadka sharciga ah ee ay ku jiraan.

Sheekh Safar oo ah waayeel 68 sano jir ah ayaa hadda laga deyrinayaa xaaladiisa, wuxuuna ku xanuunsanayaa gudaha xabsiga loo taxaabay, iyadoona la sheegayo in lagu qasbayo inuu sheego inaanu isagu qorin kitaabka, balse isagana wuu diidanyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*