Maydka Nin Muslim ah Oo Faransiiska Lagu Gubay!

Wadanka Faransiiska waxaa ka dhacay arin la yaab leh, islamarkaana naxdin badan, taas oo muujineysa dhibaatada ay leedahay in lagu noolaado dalalka gaalada, iyadoo lagu sirmayo halkudhigyada beenta ah ee xurriyada diimaha, kaas oo ay suuq geeyaan warbaahinta reer-galbeedka.

Meydka ruux oo muslim ah oo u dhashey dalka Marooko ayuu garsoorka Faransiisku go’aamiyay in lagu wareejiyo haweeney Nasraaniyad ah oo uu qabay, si ay u gubto, islamarkaana dab ugu shido, sida ay qabto kaniisadda Katholiga oo ay haweeneydu kamid ahayd dadka raacsan.

Maalmihii tagay ayaa waxaa socday muran iyo dood u dhexeysay haweeneyda uu  qabay ninkan muslimka ah oo lagu magacaabo Xasan Al-nabiiri iyo qoyskiisa gaar ahaan hooyadiisa iyo walaashii oo doonayay in la aaso, sida ay qabto diinta islaamka.

Dood kadib, wuxuu garsoorka Faransiiska hoosta ka xariiqay in meydka ay xaqu leedahay in lagu wareejiyo haweeneyda gaasha ah ee uu qabay, si ay u gubto, waana arinta dhacday.

Magaalada Liimooj ee dhacda galbeedka wadanka Faransiiska oo uu la degnaa Xasan xaaskiisa, ayaa maanta lagu gubay meydkiisa, waxaana arintan aad ula yaabay guud ahaan muslimiinta caalamka gaar ahaan muslimiinta Faransiiska ku nool.

Fadhuuma oo ah hooyada dhashey Xasan ayaa kahor inta aan la gubin meydka Wiilkeeda, waxay fariin codsi ah u dirtay boqorka Marooko, iyadoona ka dalabtay inuu soo farageliyo qadiyadan, si wiilkeeda aan loo gubin.

Dowladda Marooko dheg jalaq uma siin codsiga hooyadaas miskiinta ah ee la gubay meydka wiilkeeda, arintanna waa mid kamid ah muuqaallada muujinaya dhibaatada noocyada kala duwan ee  Muslimiintu kula kulmaan qaaradda Yurub.

Inkastoo Shareecada Islaamka ay banneysay in la guursado haweenka Ahlu kitaabka ah, hadana culimada mucaasirka ah waxay sheegaan inaaney zamankan jirin Ahlu kitaab rasmi ah oo la isku hubo, gaalada noolna ay yihiin kuwa diin laawaayaal ah oo hawadooda caabuda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.