Mid kamid ah Xujeyda Sanadkan gudatay Xajka Oo isku dilay Kacbada.
Xaaji kasoo xajiyay dalka Ciraaq ayaa la xaqiijiyay inuu isku dilay gudaha kacbada sharafta leh ee ku taalla magaalada Makka Al-mukarrama.
Ninka is dilay ayaa la sheegay inuu iska soo tuuray dabaqa hotelka uu degnaa ee ku yaala janbiga Kacbada, waxaana uu geeriyooday durba markii uu dhulka kusoo dhacay.
Afhayeen u hadlay xafiiska Xujeyda ee dalka Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in xaajiga is dilay lagu magacaabo Xuseen Xamiid Al-xeydari, kana mid ahaa dadka kasoo xajiyay magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Ciraaq.
Wuxuu sheegay Afhayeenku inaysan ogeyn sababaha keenay inuu is dilo, balse dadka hotelka la degnaa ay xaqiijiyeen in xaaladiisa caafimaad ee dhanka nafsiga ay ahayd mid liidata mudooyinkii u dambeeyay, tan iyo dhowr bilood kahor markii uu dhintay wiil uu isagu dhalay.
Waa dhacdadii ugu horeysay ee noocan ah oo sanadkan ka dhacda Xajka.