Qaramada Midoobay Oo Aala-Sucuud ku eedeysay in dembiyo dagaal uu ka geystay Yaman.

Dad ku dhintay duqeymaha Aala-Sucuud ka wado Yaman.

Khubaro baariyaal ah oo katirsan Qaramada Midoobay ayaa soo saaray warbixin ay kaga hadlayaan xaaladda dalka Yaman oo dhowr sano uu ka socdo howlgal uu ku dhawaaqay isbaheysiga carbeed ee Aala-Sucuud hogaamiyo.

Waxay sheegeen baariyaasha warbixinta cusub soo saaray iney ogaadeen in duqeymaha qaar ee ka dhacay Yaman, ayna geysteen diyaaradaha Aala-Sucuud ay sababeen dhimashada dad shacab ah oo aad u badan.

Khubarada ayaa dhowr jeer tagay dalka Yaman, waxayna waraysiyo lasoo yeesheen qaar kamid ah shacabka Yaman, wariyaasha  iyo dadka sheegta iney u doodaan xuquuqda insaanka.

Taqriirka cusub wuxuu hoosta ka xariiqay iney soo ogaadeen dad cayiman oo kaalin adag ku leh gumaadka ka dhacay dalka Yaman.

Aala-Sucuud ayaa lagu eedayay iney si indha la’aan ah u xasuuqeen dad shacab ah, waxaana ugu dambeeyey dhacdooyinkaas xasuuqii ardeyda da’da yar lagula kacay ee ka dhacay gobolka Sacdah ee wuqooyiga Yaman.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa dhankooda waxaa lagu eedayay iney dembiyo dagaal ku kaceen oo ay kamid tahay in caruur yar ay askareeyeen.

Arintan ayaa ka marqaati kaceysa warar hore oo warbaahinta caalamka ay qoreysay oo ah in diyaaradaha maamulka Aala-Sucuud ay geysteen duqeymo cashwaa’I ah oo ay ku le’deen dad muslimiin Yamaniyiin ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.