Qarax Ciidamada Xabashida Itoobiya Lagula Eegtay Inta u dhexeysa Baydhabo iyo Bardaale.

Ciidama Itoobiyaan ah oo ku socdaalayay wadada isku xirta Baydhabo iyo Bardaale oo katirsan gobolka Baay ayaa la kulmay weerar qarax ah oo aad u xoogan, kaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Gaari Uural ah oo ay saarnaayeen ciidamo Xabashi ah oo aad u farabadan ayuu haleelay qarax nooca dhulka lagu aaso ah, kaasoo lagu soo waramayo inuu geystay khasaare badan.

Dadka deegaanka oo Warbaahinta la hadlay waxay sheegayaan iney dareemayaan in khasaare culus uu gaaray ciidamada Itoobiya, ayna degeen goobta uu qaraxu ku qabsaday.

Deegaannada kudhow halka uu qaraxu ka dhacay waxaa laga jaray isgaarsiinta, mana jiro khad shaqeynayo marka laga reebo midka halow halowga ee Taararka loo yaqaano.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.