Qaraxyo Ka dhacay Shabeellooyinka Oo Lagu Gubay Gawaari Dagaal.

Gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay qaraxyo xoogan oo lagu burburiyay gawaari dagaal oo ay leeyihiin Shisheeyaha.

Deegaan lagu magacaabo Guruley oo katirsan Shabeellaha dhexe waxaa ka dhacay qarax xoogan, kaas oo lagu gubay gaari Taw ah oo ay saarnaayeen ciidamada Shisheeyaha.

Kolonyada Shisheeyaha ee la qarxiyay waxay kusii jeedeen magaalada Muqdisho, iyagoo ka yimid dhanka Jowhar.

Sidoo kale qarax kale ayaa lala eegtay ciidamo katirsan Shisheeyaha oo iyagana ku socdaalayay gobolka Shabeellaha hoose.

Mid kamid ah gawaarida Tawga ee kolonyada ayaa lagu gubay qarax xoogan oo lala eegtay, waxaana uu qaraxu haleelay kolonyada iyagoo maraya nawaaxiga Shalambood ee gobolka Shabeellaha hoose.

Waxaa si joogta ah mar weliba oo ay dhaqaaqaan ciidamada Shisheeyaha ula kulmaan weeraro iyo qaraxyo ay la beegsadeen ciidamada Xarakada  Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.