Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Garbahaaray Oo Madaafiic Lagu Garaacay.

Ciidamada  Jugta culus ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmada Garbahaaray ee xarunta gobolka Gedo.

Ugu yaraan shan madfac ayaa lagu soo waramayaa iney gudaha ugu dheceen saldhiga ciidamda Itoobiyaanka, kuwaas oo la hubo iney geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Weerarkan duqeynta ah ayaa dhacay gabal dhicii maalintii shalay, waxaana uu yimid daqiiqado kadib markii saldhiga ay gudaha u galeen ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah oo soo galay safar dheer oo lugta ah.

Ciidamada Itoobiyaanka ee Garbahaaray gaaray waxay ka yimaadeen Buur-dhuubo, waxaana intii ay jidka kusoo jireen dhowr jeer la kulmeen weeraro dhabagal ah oo aad loogu dhiig bixiyay.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.