Sanadkii Labaad…Muslimiinta Qadar Oo laga hortaaganyahay iney gutaan waajibaadka Xajka.

Khilaafka u dhexeeya dowladaha khaliijka ah iyo dowladda Qadar wuxuu sabab u noqday in malaayiin ruux oo muslimiin ah laga hor istaago gudashada waajibaadka Xajka.

Waa sanadkii labaad oo dadka u dhashey dalka Qadar iyo xitaa kuwa ku sugan aysan gudan Karin waajibaadka Xajka, taas oo murug iyo walbahaar ku noqotay dad badan oo rabay iney gutaan Xajka, gaar ahaan waayeellada da’da weyn oo ay yartahay rajada ay ka qabaan nolosha.

Waxaa gebi ahaanba xiran xuduud beenaadka ay wadaagaan wadamada Qadar iyo Xarameynka, mana jiro xiriir dhanka hawada ah oo ka dhexeeya labada dal, qofka u dhashey Qadarna isagoo wata passborka wadankaas  laguma arki karo Xajka.

Muuqaalla laga duubay dad u dhashey dalka Qadar ayaa laga arki karaa murugada ka muuqata, dadka waayeellada ayaa qaarkood iska ooynaya, waxayna jeclaan lahaayeen in meesha laga saaro caqabadaha ka hortaagan iney xajiyaan.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa siyaasadayay marar badan qadiyadda Xajka, waxaana taas ay muujineysaa liidnaanta maamulkaas iyo inuu ka tagay dhaqan iyo diin labadaba.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.