Sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda Oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in rag hubeysan ay toogteen sarkaal katirsan PS-ta dowladda federaalka, kaas oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid.

Xuseen Hilowle Qajoole oo kamid ahaa saraakiisha sirdoonka ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku toogteen qeybo kamid ah degmada Yaaqshiid.

Raga dilka geystay markii ay howshooda guteen kadib waxay goobta kaga dhaqaaqeen si ay kalsooni ku dheehantahay, waxaana goordambe goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda oo qaatay meydka sarkalkooda.

Dilalka qorsheysan ee lagu ugaarsanayo saraakiisha  dowladda federaalka ayaa kusoo kordhaya magaalada Muqdisho, waxaana arintan ay ka marqaati kaceysaa sida awooda Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ugu sii kordheyso magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.