Sarkaal Lagu Dilay Ceelasha, Gaarigii uu watana laga qaatay.

Deegaanka Ceelasha-biyaha duleedka magaalada Muqdisho, waxaa goordhow lagu dilay sarkaal katirsan ciidamada police-ka dowladda federaalka.

Rag hubeysan ayaa toogtay sarkaal lagu magacaabo Maxamad Booto, oo katirsan saraakiisha ciidamada Police-ka dowladda.

Raga dilka geystay waxay sarkaalka ka qaateen gaari nooca raaxada ah oo uu watay iyo bastoolad uu ku hubeysnaa.

Maanta oo keliya waxaa Muqdisho, Afgooye iyo inta u dhexeysaba ka dhacay howlgallo khasaare dhaliyay oo lagu beegsaday ciidamada dowladda.

Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa barqinimadii maanta weerar kamiin ah oo ka dhacay waxaa lagu dilay 5 askari oo katirsan ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada Villa-Somalia.

Camaliyad Istish-haadi ah oo ka dhacday degmada Afgooye, laguna weeraray ciidamo katirsan dowladda oo uu Farmaajo isaga soo hormariyay Afgooye si ay u sugaan amaankiisa ayaa gallaafatay nolosha tobanaan askari, halka tiro aad u badana ay dhaawacmeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.