Suuqyada ku yaala Caalamka Islaamka oo aad looga gadanayo Udxiyada, xilli ay fooda nagu soo heyaan maalmaha Ciidul-Adxaa.
Iyadoo ay fooda nagu soo heyso maalmaha ciidul-Adxaa oo ah ciid ku soocan in la qalo xoolo nool oo udxiyo ah ayaa waxaa inta badan suuqyada ku yaala wadamada caalamka islaamka laga dareemayaa mashquul aad u badan.
Dadka muslimiinta ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxay aadayeen suuqyada lagu gado xoolaha nool, iyadoo qof welibana uu tallaabsanayo hadba taagtiisa, waxaana xoolaha ugu badan ee la gadanayo ay yihiin Ariga, Idahah iyo Geela.
Magaalada Qazza ee dhulka Filastiin, waxay kamid tahay magaalooyinka ay dhibaatada badan ka taagantahay marka loo eego go’doonka dhowrka sano saaran, waxaana aad u kordhey qiimaha lagu kala iibsinayo udxiyada, xilli faqrigana uu aad ugu badanyahay magaaladaas.
Ganacsatada xoolaha ka ganacsada ayaa cirka ku dhejiyay qiimaha xoolaha, iyadoo aysan xooluhu yareyn, waxaana tusaale ahaan neefka udxiyada uu suuqyada Qazza ka joogaa $350.
Masar oo iyadana kamid ah wadamada caalamka islaamka, ayna ka jirto xaalad adag oo dhanka maciishada ah, taas oo uu sababteedu leeyahay maamulka afgembiga Siisi ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garowga ciida iyo in la udxiyeysto.
Suuqyada magaalada Al-Qaahira iyo magaalooyinka kale ayaa si aad ah loo soo buux dhaafinayaa, waxaana la yaab leh qiimaha uu joogo neefka caadiga ee udxiyada, waa $250, waana qiimo aad u badan.
Inkastoo dhowr wadan oo dhaca caalamka islaamka ay xaaladoodu tahay mid dhiban, islamarkaana qaali badan uu ka jiro hadana waxaa jira wadamo kale oo ay xaaladoodu caadi tahay.
Suuqyada Marooko, Murutaaniya, Aljeeriya, Libiiya, Tuunis, Qadar iyo kuwa kaloo badan ayaa si caadi ah loo kala iibsanaya xoolaha udxiyada, kuwaas oo aan laga dareemeynin wax isbedel ah.
Dalka Soomaaliya waxaa uu kamid yahay wadamada uu Alle ku manneystay kheyraadka xoolaha nool, waxaana wilaayaadka islaamiga iyo guud ahaan gobollada Soomaaliya laga dareemayaa zaxmad ballaaran oo ku aadan suuqyada xoolaha.
Nimcada la heysto waxaa haboon in Alle looga mahdiyo, waxaana ganacsatada la gudboon ineysan cusleyn dadka muslimiinta ee doonaya iney udxiyeystaan oo ay ka farxiyaan walaalahooda muslimiinta.