Talyaaniga Oo Xanibaad kusoo rogtay Wasiirii hore ee Qaanuunka Masar.

Dowladda Talyaaniga ayaa lagu soo waramayaa iney xanibaad kusoo rogtay wasiirkii hore ee Qaanuunka dowladda Masar xilligii uu dalkaas madaxweynaha ka ahaa Maxame Mursi, kaas oo lagu magacaabo Maxamed Maxsuub.

Wasiirkan oo mudooyinkii dambe ku sugnaa dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday in Police-ku u yimaadeen, islamarkaana ay usoo jeediyeen eedeymo dhowr ah oo hadda la hor geeyay xeer ilaalinta guud ee Talyaaniga.

Maxsuub oo warbaahinta la hadlay ayaa ku doodaya in xanibaadiisa ay tahay dalab ka yimid maamulka Afgembiga dalka Masar ee uu hogaamiyo mujrimka Cabdil-fataax As-siisi.

Wuxuu sheegay inuu aad uga cabsi qabo in loo gacan geliyo maamulka Al-Qaahira, taas oo halis gelin karta noloshiisa.

Wasiirkii hore ee Qaanuunka Maxamed Maxsuub ayaa dhowr jeer oo hore wuxuu hor booday ol ole lagu doonayay in lagu dhex-dhexaadiyo Xarakada Ikhwaanul muslimiin iyo maamulka Siisi, waxaana howshaas u wakiishey midowga Yurub.

Tan iyo markii la afgembiyay madaxweynihii hore ee Masaarida Maxamed Mursi, wuxuu Maxamed Maxsuub joogay dalka Faransiiska, halkaas oo uu ka helayo sharci uu ku joogi dalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.