Xaflad Lagu Soo xirayay Wejiga Koowaad ee Machadka Beesha Ciroole Oo ka dhacday Shabeellaha hoose.(Sawirro)
Deegaan hoosyimaada magaalada Kuunya-barrow ee wilaayada Islaamiga ee Shabeellaha hoose waxaa ka dhacay Xaflad lagu soo gebegebeynayay fatrada koowaad ee machadka Beesha Ciroole oo kamid ah beelaha dega wilaayaadka islaamiga ee Soomaaliya.
Xafladda waxaa kasoo qeybgalay marti sharaf kala duwan, Ugaaskaa iyo Nabadoonnada beesha, waxgaradka wilaayada Islaamiga ee Shabeellaha hoose, Culimo iyo mas’uuliyiin katirsan Wilaayada Islaamiga ee Shabeellaha hoose.
Machadkan oo lagu magacaabo ASh-shahiid Cumeyr Guurow ayaa waxaa dhigta arday farabadan oo u dhashey beesha Ciroole, waxayna xafladda kusoo bandhigeen waxay barteen mudada 10 bilood ah ee ay dhiganayeen Machadka.
Waxyaabaha ay soo bandhigeen waxaa kamid ah mutuun sharci ah oo ay xifdiyeen, tafsiirka Quraanka, Axadiis, iyo Anaashiid iyo khudbado ku baxayay Luuqada Carabiga iyo Englishka.
Mas’uuliyiinta Wilaayada, Culimada iyo Waxgaradka xafladda xaadiray ayaa wada qiray in Ardeyda uu isbedel badan ka muuqdo, waxayna ku dhiirgeliyeen iney horey usii socdaan.
Hoos ka daawo Sawirrada Xafladda laga soo qaaday.