Afgooye oo lagu dilay Labo Ruux oo kamid ahaa Ergada.

Habeenkii xalay waxaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose lagu dilay labo ruux oo katirsanaa ergadii soo xushey baarlamaanka maamulka Koonfur-galbeed.

Labada ruux ee la dilay waxaa lagu kala magacaabaa Xassan Caalim iyo Aamino Mayow, waxaana la dilay iyagoo ku sugan xaafado kamid ah magaalada Afgooye.

Rag hubeysan ayaa geystay dilka labadan ruux, kuwaas oo markii ay dilka geysteen kadib isaga tagay goobta.

Dilalkan oo dhacay xalay, waxay kusoo aadayaan xilli taliyaha saldhiga Police-ka degmada Afgooye oo waraysi siiyay Idaacadda Al-furqaan uu ku faanay in amaanka degmada Afgooye uu yahayd mid sugan oo la isku halleyn karo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.