Dhageyso: Al-Shabaab oo Xaqiijiyay In Hawl Galkii Mubaarak Ay Ku Dileen 4 Kamid Ah Huwantii Uu Mareykanka Hor Kacayay.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay war kasoo saartay weerarkii fashilmay ee uu Mareykanku habeenkii xalay kusoo qaaday degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose.

Sheekh Muxamad Abuu Usaama oo ah waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay hawl galkaasi.

Wuxuu sheegay in ciidamo Mareykan iyo kuwa calooshood u shaqeystayaal ah ay saq dhexe duullaan gaadmo ah kusoo qaadeen degaanka Mubaarak, balse iyagu ay ka war qabeen una degeen qorshe dabin loogu dhigayo, taasoo keentay in ay khasaare la kulmaan.

Waaligu wuxuu xaqiijiyay in ay afar askari ka dileen huwantaas, kuwaasoo ay midkood uga carareen degaanka halka sadax kale ay meydadkooda geeyeen saldhiggii ay heysteen ee ay kasoo duuleen oo ku yaalla Balli-doogle.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay in askartan ay dhowrkii habeen ee lasoo dhaafayba ku wareegayeen hawada Mubaarak, xilliyada qaarna ay kusoo dagayeen duleedyada degaanka iyagoo damacsan hawl gal, balse markii ay ka war helaan heeganka loogu jiro ay dib u laabanayeen.

Waaliga ayaa dhacdadii MUbaarak ku asteeyay iney ahayd farxad weyn oo usoo hoyatay bulshada gobolka iyo guud ahaa ummada muslimka ah, maadaama Mareykanku uu caado ka yeeshay inuu dhibaatooyo isagoo aan u kala eegeyn mid la diriraya iyo mid danihiisa iska raacanaya intaba.

Ugu dambeyntii waxa uu ka war bixiyay dagaalkii ay habeenkii xalay ciidamadoodu ku qaadeen askarta “DF” ee dhawaan la keenay magaalada Marko kuwaasoo difaac u ah ciidamada shisheeye.

Dagaalka ayuu sheegay inuu ahaa mid sadax geesood ah oo muddo socday islamarkaana khasaare lagu gaarsiiyay ciidamadii dowladda ee halkaasi ku sugnaa.

Halkan Ka Degso Wareysiga Sh Muxamad Abuu Usaama “Mubaarak”

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.