Banaanbaxyo lagu taageerayo Kacdoonka Suuriya Oo Idlib ka dhacay.

Maalintii shalay oo jimco ahayd, waxaa magaalooyinka kala duwan ee gobolka Idlib ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo lagu muujinayo taageerada shacabka muslimka ah ee Suuriya uu la garab taaganyahay halganka Jihadka ee dalkaas ka socda.

Dadka ayaa markii ay soo tukteen salaada Jimcaha waxay isugu yimaadeen fagaarayaasha  waaweyn, iyagoo ruxaya boorar lagu soo qoray halkudhigyo ay kaga tarjumayaan iney taageersanyihiin Jihaadka, diyaarna ay u yihiin iney iska difaacaan xamlada Ruushka iyo Nidaamka ee kusoo wajahan Idlib.

Fagaarayaasha waxaa dadka kula hadlay culimada, Aqoonyahannada iyo waxgaradka, waxayna dadka ku dhiirageliyeen iney sabraan, adkeystaan, iskuna diyaariyaan iney galaan dagaal masiiri ah.

Waxay aad uga soo horjeedeen dadka banaanbaxyada dhigayay hadal uu dhawaan jeediyay Demostra oo ah wakiilka Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Suuriya, kaas oo sheegay in loo baahanyahay in dadka shacabka ah laga saaro gobolka Idlib, kahor duulaanka Ruushka iyo Nidaamka.

Banaanbaxyadan waxay kusoo aadeen, iyadoo Nidaamka mujrimka ah oo taageero ka helaya Ruushka iyo Iiraan ay ku hanjabayaan iney weerari doonaan gobolka Idlib ee wuqooyiga Suuriya oo ah gobolka keliya ee marti gelinaya malaayiin ruux iyo kumanaan mujaahid oo weli xambaarsan manhajka Jihaadka iyo Istish-haadka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.