CAJIIB: Maxbuus dilay Sarkaalkii Tacdiibinayay.

Dhacdo naadir ah ayaa ka dhacday xabsi ku yaala gudaha dalka Afqaanistaan, halkaas oo lagu tacdiibyo dadka muslimiinta ah iyo dagaalyahannada katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Maxbuus katirsan Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan oo dhowr maalmood kahor laga qabtay magaalada Qandahaar ee wadanka Afqaanistaan ayaa lagu soo waramayaa inuu qoriga ka dafay mid kamid ah askarta ilaalineysya xabsiga uu ku xirnaa.

Xabsigan oo ku yaala magaalada Shahar-safaa ee gobolka Zaabil ayaa hadda waxaa ka socda dagaal culus oo dhexmaraya mujaahidka katirsan Imaarada islaamiga yo ciidamada xukuumadda Kaabul.

Warar horudhac ah oo la helayo waxay ku waramayaan inuu ku guuleystay mujaahidka howlgalka fuliyay dilka sarkaalkii tacdiibinayay, taliye katirsan ciidamada Police-ka, iyo 6 askari.

Ciidamada xukuumadda Kaabul ayaa gebi ahaanba xiray nawaaxiga xabsiga uu dagaalka ka socdo, waxaana suuragal ah in marba marka ka dambeysa uu sii kordho khasaaraha.

Shacabka Afqaanistaan iyo mujaahidiintooda ayaa caan ku ah nafhurnimada, waxaana dhacdadan ay kamid noqoneysaa dhacdooyinka fariidka ah ee lagu diiwaan gelinayo taariikhda Jihaadka Afqaanistaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.