Caruur ku geeriyootay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Saakow.

Qof ku dhaawacmey duqeyn horey oo ka dhacday Gedo

Diyaarado loo badinayo iney Kenyaati yihiin ayaa xalay waxay duqeymo xoogan ku garaaceen qeybo kamid ah magaalada Saakow ee wilaayada islaamiga Jubbooyinka.

Diyaaradahan ayaa beegsaday xarunta weyn ee isbitaalka magaalada Saakow, halkaas oo uu ka dhashey burbur xoogan oo saameeyey howshii caafimaad ee ka socotay isbitaalka.

Waxay kaloo diyaaradahan loo baidnayo iney yihiin Kenyaati duqeeyeen Rowdo ama xarun xanaano ah oo wax lagu baro caruurta da’da yar.

Ugu yaraan 3 wiil ayaa ku geeriyootay duqeynta ay diyaaraduhu ku garaaceen xarunta lagu xanaaneynayay waxna lagu barayay caruurta.

Saakow waxaa maanta laga hadal hayaa duqeymihii xalay dhacay ee lagu beegsaday xarumo dadweyne oo bulshada loogu adeegayay, waxayna muujineysaa duqeyntan aan loo meel dayin dagaalka lagu soo qaaday shacabka Soomaaliyeed halka uu gaarsiisanyahay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.