Ciidamada Amaanka xukuumada Siisi oo xabsiga dhigay Gabdho muslimaad ah.

Wararka ka imaanaya dalka Masar, ee ku jira gacanta maamulka afgembiga ee uu hogaamiyo Siisi ayaa sheegaya in la qabtay gabdho muslimaad masaari ah, kuwaas oo ku sugnaa gobolka Al-iskandariyah.

Ciidamada Amaanka ayaa gacanta ku dhigay gabdhahan oo tiradoodu gaareysa illaa saddex gabdhood, waxaana la ogeyn halka lagu xiray iyo weliba sababaha rasmiga ah ee keeney in xabsi loo dhaadhiciyo.

Gabdhaha la xiray waxaa kamid ah gabar lagu magacaabo Khadiija Bahaa’u-diin, taas oo horay loo xiray  sanadkii 2013-ka, balse xilli dambe xurriyadeeda dib u heshay.

Guryaha ay degnaayeen gabdhahan oo ku yaala magaalada Al-iskandariyah ayaa waxaa gudaha u galay ciidamo katirsan Amaanka oo caan ku ah argagax gelinta shacabka, kuwaas oo guriyaasha ku sameeyey baaritaanno adag.

Dalka Masar ayaa waxaa ka socda xamlo ballaaran oo soo billaabatay tan iyo markii Siisi uu la wareegay xukunka Masar, taas oo lagu raafayo cid weliba oo ka hor timaada siyaasadda Afgembiga, waxaana ugu badan dadka xiran dhalinyarada ahlu diinka ah oo ka kooban gabdho iyo wiilal.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.