Ciidamada dowladda Oo howlgal Raaf ah ka wada Afgooye Xilli uu kordhay khasaaraha kasoo gaarey dagaalkii habeen hore.

Faafaahin dheeri ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashey dagaalkii habeen hore ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku galeen magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dagaalka oo ahaa mid aad u culus, la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxay ciidamada Mujaahidiinta kula wareegeen inta badan xaafadaha degmada Afgooye, iyagoona dilay ciidamo aad u badan, halka kuwa kale ay dhaawaceen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in dagaalkii Afgooye ay ku dileen 8 askari, oo uu ku jiro sarkaal sare oo lagu magacaabo Cumar Cabdqaadir Macalin Nuur oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada milliteriga dowladda federaalka.

Dagaalka Afgooye waxaa sidoo kale lagu gubay saddex gaari oo noocyada dagaalka ah oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, iyadoona sidoo kale Mujaahidiintu ku qabsadeen qanaa’im kala duwan oo hub ah.

Magaalada Afgooye ayaa dhowr jeer oo hore waxay la kulantay weeraro ay kusoo qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dhiig bixiyay Shisheeyaha iyo kuwa dowladda.

Ciidamada dowladda oo dib ugu soo laabtay degmada Afgooye ayaa hadda wada howlgal ay ku qabqabanayaan dadka shacabka ah, iyagoo ku eedeynaya iney kamid yihiin Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dhowr qof oo u badan dhalinyaro ayaa hadda xabsiyada loo dhaadhiciyay, lamana oga waqtiga uu ku egyahay howlgalkan raafka ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.