wararka

DEG-DEG: Weerar ay dad ku dhinteen oo ka  dhacay dalka Maraykanka.

Wararka saaka oo Khamiis ah ka imaanaya dalka Maraykanka waxay sheegayaan in dalkaas uu ka dhacay weerar hubeysan oo dhaliyay khasaare nafeed.

Qof hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday dad Ameericaan ah oo ku sugnaa gobolkla California ee Maraykanka, wuxuuna dilay dhowr ruux.

War kasoo baxay Police-ka Maraykanka waxaa lagu sheegay in ugu yaraan shan ruux ay ku dhinteen weerarkan hubeysan.

Qofka weerarka fuliyay oo hubeysnaa ayaa lagu soo waramayaa inuu dhintay, balse lama oga in la dilay iyo in kale.

Warbaahinta Maraykanka qaarkood ayaa sheegaya inuu is dilay ruuxa weerarka fuliyay, waxaana dhici karta in ninka uu ku dhintay rasaasta ay Police-ku ku ridayeen.

Dhawaanahan Yurub iyo Ameerica waxaa kusoo badanaya weerarada ceynkan ah, taas oo sare u qaaday halista amni ee ay dareemayaan muwaadiniinta ku nool dalalkaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*