Dhagayso: Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan Oo ku dhawaaqday geerida hogaamiye Sheykh Jalaalu-diin Xaqqaani raximahullaah.

Bayaan kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, laguna faafiyay baraha internetka ayaa lagu iclaamiyay geerida mid kamid ah hogaamiyaasha rug cadaaga ee jihaadka ka socda caalamka islaamka.

Waa sheikh Jalaalu-diin Xaqqaani raximahullaah, oo kamid ahaa hogaamiyaasha waaya aragga ah, kana qeybgalay dagaalladii Jihaadka ee Afqaanistaan ay marti gelisay tan iyo sideetameeyadii.

Horudhac iyo fur furasho kadib waxaa bayaanka kasoo baxay Imaarada lagu yiri “ innagoo rumeysan qadaha Allaah iyo qadartiisa,  waxaan si murugo iyo tiiraanyo ay ku jirto ugu  soo gudbineynaa shacabka Afqaanistaan, mujaahidiinta, iyo guud ahaan Umadda islaamka, geerida shakhsiyadda weyn ee Jihaadka casrigan, ahna caalim diineed oo muuqda, hogaamiyaha hal abuurka ah ee ka qeyb qaatay labada jihaad, ahaana wasiirkii xuduudaha xilligii xukunka Imaarada islaamiga, xubinna ka ah golaha shuurada ee Imaarada, kaas oo ah Mowlawi Jalaalu-diin Xaqqaani, muda dheer oo uu xanuunsanaa kadib, Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi raajicuun”.

Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxay taczi gaar ah u dirtay qoyska ku caan baxay Jihadka iyo halganka ee uu sheekhu ka dhashey, iyadoona Allaah u weydiisay sheekha inuu u naxriisto, jannadiisana geeyo, kana abaal mariyo dhibaatooyinkii uu sheekhu kula kulmay wadada Jihaadka, dacwada iyo islaaxa.

Taariikhda ifeysa ee uu lahaa sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani ayaa lagu milicsaday bayaanka kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, waxaana lagu sheegay in Sheekha iyo walaalihiisa ay kamid ahaayeen raggii ugu horeeyay ee is hortaagay shuuciyadii ilxaadka ee ka socotay Bukhaara, iyo samarqandi, waxaana ugu horeyn ay billaabeen dacwada, markii uu dhacay Afgembiga shuuciyada kadibna waxay sheekha iyo raggiisu billabeen dagaal jihaad ah oo hubeysan.

Marna kama gaabin sheekha dagaalladii waaweynaa ee lala galay shuuciyada iyo midowga Soofiyeet illaa uu Alle guushu siiyay mujaahidiinta, waxaana markaas kadib uu sheekhu kaalin ka qaatay sidii loo joojin lahaa dagaalladii daakhiliga ahaa ee Afqaanistaan ka billowday, markii la dhisay Imaarada Islaamigana wuxuu sheekhu kamid ahaa ragga is garab taagay amiirul mu’miniin Mullaa Cumar Mujaahid, sida lagu sheegay bayaanka taczida ah ee kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

“kaalintii uu sheekh Jalaalu-diin ka qaatay dagaalka lagula jiro gumeystaha Maraykanka, iyo wacdarihii uu muujiyay si loo ilaaliyo midnimada safka Imaarada islamiga ee Afqaanistaan, waa safxad dhalaaleysa oo ku qoran taariikhda, jiilasha muslimiinta ee soo socdana ay ku faani doonaan, si guud nolosha iyo siirada Sheekh Xaqqaani waa nuur iyo feynuus uu raad raaci karo mu’minka iyo muslimka, dad badanna waxay wax ka baran karaan  ihlaaskiisa, jihaadkiisa, iithaarka uu lahaa, sugnaantiisa, go’aannadiisa salka adkaa, iyo sida uu ugu sabray dhibaatooyinka diinta darteed usoo gaaray , iyo ka fogaanshihiisa caannimada, iyo jagooyinka” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.

Hogaanka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan wuxuu ka marqaati kacay in sheekhu si wanaagsan u gutay howlihii ay Mujaahidiintu u wakiisheen, islamarkaana iyadoo lagu jiro marxalad adag uu kaalin wanaagsan ka qaatay difaacida islaamka iyo muslimiinta, waxayna Imaaradu sheegtay in haddii jasadka sheekha uu tagay, ay dhexdooda ku nooshahay fikradiisa iyo towjiihaadkiisa.

Sida lagu sheegay bayaanka Imaarada, dhowr sano oo xiriir ah wuxuu sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani ahaa qof xanuunsanaya, islamarkaan sariir yaal ah, si lamid ah sida uu dhalinyarnimadiisaba ugu sabray dhibaatooyinka kusoo wajahay dariiqa Jihaadka, wuxuu hadana ahaa qof ku sabraya xanuunka soo ritay, illa ugu dambeyn uu Naftiisa Allah cazza wajalla u dhiibay.

Ugu dambeyn bayaanka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan waxaa baaq loogu diray guud ahaan mujaahidiinta caalamka, muslimiinta, baaqaas oo ah in Allaah u weydiiiyaan sheekha inuu u dembi dhaafo, una naxriisto.

Qoyska uu ka dhashey Sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani ayaa ah qoys ku caan baxay Jihaadka iyo halganka, waxayna dowr muuqda oo aan la qarin Karin ku leeyihin Jihaadka ka socda wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan.

Aabaha dhalay sheekh Jalalau-diin oo lagu magacaabo, sheekh Siraaju-diin Xaqqaani ayaa mar uu kasoo muuqday filim xiiso badan oo loogu magacdaray Ta’aaluful Ummah macal Mujaahidiin, ayna baahisay lajnada warfaafinta imaarada islaamiga ee Afqaanistaan wuxuu kaga hadlay manhajka iyo ahdaafta ay Imaaradu u dagaallameyso.

Halkan ka dhagayso Warbixin ku saabsan bayaanka lagu sheegay Geerida Sheekh Jalaalu-diin Xaqaani

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.