Dowladda Murutaaniya oo xirtay markaz lagu barto  diinta Islaamka.

Warbaahinta wadanka Murutaaniya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda wadankaas ay albaabada isugu dhufteen markaz lagu barto diinta islaamka kaas oo ku yaala caasimadda wadankaas ee Nuwaakshood.

Ciidamo katirsan Police-ka ayaa salaaddii casirka kadib maalintii shalay waxay xireen markazka Takwiinul-culumaa oo ah markaz lagu barto diinta islaamka, islamarkaana wax ka dhigaan culimo waaweyn.

Sheekh Maxfuud Walad oo ah ku xigeenka madaxa markazka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadu ay xireen markazka, islamarkaana jirin wax howl ah oo uu markazku qabanayo.

Ciidamada ayaa markazka kasoo saaray ardeyda, shaqaalaha iyo waardiyaasha, waxayna xireen wadooyinka soo gala markazka oo ah markaz weyn, caanna ku ah in lagu barto diinta islaamka.

Markazkan waxaa madax ka ah sheekha caanka ah ee lagu magacaabo sheekh Muxamed Al-xasan Adodo.

Madaxweynaha Murutaaniyah ayaa dhawaan weerar afka ah wuxuu ku qaaday Islaamiyiinta ku dhaqan wadankaas, isagoona sheegay iney uga dhib badanyihiin Yahuuda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.