wararka

Howlgallo ka dhacay Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda.

Xubin katirsan Baarlamaanka Dowladda Oo qarax lagula eegtay Muqdisho.

Magaalada caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka dhacay qaraxyo lala eegtay xubno katirsan dowladda federaalka.

Qaraxa koowaad waxa uu ka dhacay isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana lala eegtay gaari uu watay sarkaal lagu magacaabo Cumar Sheikh Caamir oo kamid ah saraakiisha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Waxaa qaraxan ku dhintay sarkaalka la beegsaday iyo labo askari oo katirsan ciidamada dowladda, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda dilka sarkaalkaas.

Sidoo kale qarax kale ayaa lala eegtay gaari uu leeyahay mid kamid ah saraakiisha ciidamada police-ka dowladda, balse wuu ka badbaaday, waxaase si dhameystiran u basbeelay gaariga qaraxu haleelay.

Dhinac kale, isgoyska Black Sea ee magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada dowladda federaalka.

Dagaalyahanno hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa bartamaha isgoyska ku toogtay askariga, iyagoona ka qaatay qori uu watay.

Howlgallada ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku beegsaneyso xubnaha iyo askarta dowladda ayaa kusii badanaya magaalada Muqdisho.

One comment

  1. الله اعلي واكبر
    ношsha ha socoto
    Runti 2006-2012
    Markan so xasusto
    Wan iska ilmeyaa
    ( نريد لرايةالتوحيد بأن تبقي علي القمة)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*