Walaal Ka Qeyb Qaado Dhismaha Isbitalka Saakow.

Degmada Saakow ee gobolka Jubada dhexe waxaa dhawaan looga dhawaaqay gudi ka kooban 15 xubnood oo isugu jira qeybaha kala duwan ee Buslshada sida:- Culimada, duqeyda, ganacsatada, dhaqaatiirta iyo dhallinyarada kuwaasoo u istaagay sidii dib loogu dhisi lahaa isbitalka weyn ee magaalada oo ay dhawaan shisheeyuhu duqeyn ku burburiyeen.

Muddo usbuuc ka badan oo aanu isbitalka shaqeyn ayaa waxaa haween badan lagu umuliyay geedaha hoostooda iyo meelo aan ku habooneyn, sidoo kale ilmo yar oo ka dhacay gaari dameer ayaa u geeriyooday dhaawacii soo gaaray kadib markii uu dhiig bax u dhintay cin la tacaashana la waayay.

Sidaa darteed gudigan ayaa u istaagay iney bulshada u qeyla dhaamiyaan dal iyo dibadba si loo soo celiyo adeeggii uu isbitalku u hayay bulshada. Gudiga ayaa dadka muslimiinta ah ugu baaqay in ay gacan ka geystaan dhismaha isbitalkan, iyadoo aan ognahay in sadaqada lagu bixiyo mashaariicda noocan ay tahay mid aanan go’ayn.

Idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, xalay waxaa ka baxay barnaamij ay dad weynuhu khadka telefoonka uga qeyb qaadanayeen kuna bixinayeen dhaqaale, walina xaaladuu fari kama qodna.

Haddaba walaal waxaad tabarucaadaada ku hagaajin kartaa Telefoon nambarada soo socda:- 615741077 ama 615447733.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.