Madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama oo weerar afka ah ku qaaday Donald Trump.

Iyadoo ay isasoo tareyso mowjadaha weerarada afka ah ee lagu hayo siyaasadaha Donadl Trump ayaa waxaa kusoo biiray dadkaas madaxweynihii hore ee Maraykanka Brack Obama.

Obama oo kalimad ka jeedinayay mid kamid ah Jamaacadaha wadanka Maraykanka ayuu ku sheegay in siyaasadaha Trump ay yihiin kuwa fashilan oo fadeexad badan, wuxuuna is waydiiyay waxa loogu fiirsanayo arimahaas.

Brack Obama wuxuu la hadlay xisbiga Jamhuuriga oo uu Trump ka socdo, wuxuuna ugu baaqay iney is hortaagaan hab dhaqanka Trump oo uu ku sheegay inuu isaga fogeynayo xulufada, kuna soo dhaweysanayo cadow, taas oo uula jeedo Ruushka.

Wuxuu intaas ku daray iney halis ku jirto waxa uu ku sheegay dimuqraadiyadooda, halistaasna aysan ka imaaneynin Trump oo keliya balse ay ka imaaneyso wax u aaba yeelid la’aanta.

Khudbadda Obama ayaa aad usoo jiidatay dadka dhageysanayay, wuxuuna helay sacbis badan, taas oo muujineysa sida ay hoos ugu dhacday shacbiyadda madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.