Mas’uul katirsan Wasaaradaha dowladda Oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Habeennimadii xalay waxaa magaalada Muqdisho lagu toogtay xubin katirsan wasaaradaha dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Xassan Kheyre.

Rag bastoolado ku hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay mas’uul katirsan wasaaradda  Qorsheynta.

Masuulka la toogtay waxaa lagu magacaabaa Cumar Xasan Ganeey, waxaana lagu dilay isgosyka KPP xaafadda Kaas-balballaari ee degmada Hodan.

Ragga dilka geystay ayaa goobta isaga tagay, waxaana meydka Geneey goordambe qaaday ciidamo katirsan dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilka Sarkaalkan oo ku daba feylaya silsilado weeraro abaabulan oo magaalada Muqdisho ka dhacayay mudooyinkii lasoo dhaafay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.