Qarax Gaari looga gubay Kenya Oo ka dhacay Nawaaxiga Dhoobley.
War deg deg ah oo kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-furqaan waxa uu xaqiijinayaa in qarax gaari lagu burburiyay uu goordhow ka dhacay nawaaxiga Dhooblay.
Qaraxa ayaa lala helay gaari weyn oo kamid ahaa kolonyo ku safrayay inta u dhexeysa Dhoobley iyo Taabto, waxaana gebi ahaanba burburay gaariga.
Waxaa la aaminsanayahy iney dhimasho iyo dhaawac noqdeen dhamaan ciidamadii saarnaa gaariga oo kamid ahaa kuwa Kenya ee duulaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.
Ciidamada Kenya ayaa la kulmaya weeraro dhiig bixin ah kuwaas oo ay kusoo qaadayaan dagaalyahannada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.