Turkiga iyo Ruushka Oo heshiis ka gaaray arinta gobolka Idlib.
Kulan dhexmaray madaxweynayaasha Turkiga Rajab Dhayib Ordogan iyo dhigiisa dalka Ruushka Faladamir Butin ayaa waxaa kasoo baxay qodobo dhowr ah oo ku aadan arimaha gobolka Idlib.
Labada madaxweyne oo ku kulmay magaalada Sotshi ee dalka Ruushka ayaa ku heshiiyay in gobolka Idlib laga sameeyo mandiqad ka caagan hubka, taas oo laga sameynayo gobolka Idlib.
Mandiqadan hubka ka caagan waxaa lagu sheegay iney gaareyso 15 illaa 20 km, waxaana laga sameynayaa meel u dhexeysa ciidamada Nidaamka iyo Kooxaha kacdoon wadayaasha, iyadoona ay gacanta ku haynayaan ciidama isku dhaf ah oo ka socda Turkiga iyo Ruushka.
Faladamir Butin ayaa shardiyay in gobolka Idlib laga saaro waxa uu ugu yeeray kooxaha Argagaxisada, waana mid adag iney dhacdo arintan, maadaama inta ugu badan gobolka Idlib ay ku suganyihiin Jamaacaad jihaadi ah oo ku jira liiska waxa loogu yeero Argagaxisada.
Labada madaxweyne waxay kaloo isku raaceen in gobolka Idlib laga saaro hubka culus ee waaweyn, kaas oo ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka, lamana oga in arikan uu meel mari doono iyo in kale.
Ordogan ayaa sheegay in dowladiisu ay xooga saari doonto in la joojiyo howlgal kasta oo milliteri oo ka dhici kara Idlib, ama camaliyaad ay soo qaadaan kooxaha kacdoon wadayaasha oo ka dhan ah malleeshiyaadka Nidaamka Nuseyriyada.
Dadka wax taxliiliya ayaa sheegaya in heshiiska labada madaxweyne ay ka dhigantahay inuu dib u dhacay howlgal la fuliyay in malleeshiyaadka Nidaamka iyo kuwa Ruushka ay kusoo qaadaan gobolka Idlib, dhanka kalana waxaa saldhigyada Ruushka ee Suuriya ay ka badbaadi doonaan in lagu soo qaado wax weerar ah.
Inkastoo danaha iyo siyaasadhaa dowladaha ay mar weliba isbedeli karaan, ayaa waxaa muuqata in shacabka muslimka ah ee Suuriya iyo mujaahidiintooda saadiqiinta ah ay Allaah ku tiirsanyihiin, waxaana gobolka Idlib ka socda diyaar garow aan horey loo arag oo ay sameynayaan dadka muslimiinta ah.