Turkiga oo lagu wado iney sii deyso baadari u dhashey dalka Maraykanka.

Bilooyinkii lasoo dhaafay khilaaf aad u xoogan ayaa soo kala dhexgalay dowladaha Turkiga iyo Maraykanka, kaas oo salka ku hayay dhanka diblumaasiyadda, kadib markii Turkigu diiday inuu sii daayo baadari u dhashey Maraykanka oo uu gacanta ku hayay.

Wargeyska afka dheer ee World Street ayaa maanta oo Axad ah wuxuu qoray warbixin dheer oo uu ku sheegayo in dowladda Turkiga ay qorsheyneyso in bisha soo socota ay sii deyso Andro Branson oo ah baadari u dhashey dalka Maraykanka.

Turkiga ayaa ninkan baadariga ah ku eedeyneysa inuu ku lug lahaa afgembigii fashilmey ee ay ku eedeysay Fatxullaahi-Golan, waxaana eedeymahaas darteed ay ku xukuntay dhowr sano oo xarig, arintaasna waxaa ka carooday dowladda Maraykanka.

Masuuliyiin katirsan dowladda Turkiga ayaa sii deysmada baadarigan ku xiray in dowladda Maraykanka ay joojisay cadaadiska ay saareyso dalka Turkiga, midkood ayaana yiri “ haddii Maraykanku uu sidaas yeelo waa suuragal in lasii daayo baadariga”.

Maraykanka dhankiisa, wuxuu si taxadar uu ku jiro u usoo dhaweeyay arintan, waxaana masuuliyiin ameerikaan ah ay sheegeen iney hoos u dhigeen cadaadiska ay ku hayeen Turkiga, cabsi laga qabo in culeeska dhaqaale ee Turkiga soo food saaray uu u wareegto suuqyada soo koraya.

Trump iyo ku xigeenkiisa ayaa qadiyadda baadariga waxay ka dhigeen mudnaanta koowaad, maadaama dalka uu ka dhici doono doorashooyin loogu tartamayo kuraasta aqalka Congreska.

Haddiii Trump uu ku guuleysan waayo sii deysmada baadariga oo ay ku xiranyihiin Nasaaro xagjir ah oo aad u farabadan, kuna nool Maraykanka, waxay taas keeneysaa in xisbiga Jamhuuriga uu waayo codad badan, aqlabiyadda kuraasta Congreskana ay helaan xisbiga dimuqraadiga.

Inkastoo rajada sii deysmada Branson ay aad u xoogantahay, hadana masuuliyiinta dowladda Maraykanka waxay ka digayaan in dabaaldegyo horudhac ah loo sameeyo arintan, maadaama ay sheegeen in wax weliba ay isbedeli karaan.

Mas’uul Ameericaan ah ayaa sheegay in Ordogan uu lamid yahay Trump, islamarkaana go’aannadiisa ay si kedis ah isku bedelaan.

Salmaan Ooget oo ah garyaqaan ka ag dhow Ordogan ayaa sheegay in garsoorka Turkiga ay macquul tahay inuu sii daayo baadariga, balse wuxuu ku xiray hal shardi oo ah in dib loo noqdo, xaaladana laga dhigo sideedii hore.

Dowladda Maraykanka ayaa bishii hore waxay cunaqabateyn dhanka dhaqaala ah kusoo rogtay mas’uuliyiin sar sare oo katirsan dowladda Turkiga, waxaana tallabadaas ay hoos u dhac dhanka qiimaha ku riday lacagta Liirada ee Turkiga.

Inkastoo ay u badantahay in lasii daayo baadari Andro branson hadana masuuliyiinta Turkiga iyo Maraykanka waxay sheegayaan in rajada ay bedeli karto qoraal kooban oo uu Trump soo dhigo bartiisa twitterka, maadama looga bartay Trump inaanu ahayn qof miisaaman.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.