Xarunta maamulka degmada Hodan Oo Qarax Lagu burburiyay.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu kaxeynayay Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu dhuftay dhismaha xarunta maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Jugta qaraxa waxaa si weyn looga maqlay dhamaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana uu ahaa qarax aad u culus marka loo eego dhawaqa iyo burburka uu dhaliyay.

Xilliga uu qaraxu dhacayay waxaa xarunta ku sugnaa ciidamo iyo xubno katirsan maamulka degmada, kuwaas oo  ay waxyeelo kasoo gaartay camaliyadda Istish-haadiyada.

Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo lagu qiyaasay tobaneeyo ruux ayaa ka dhashey camaliyadan, waxaana xarunta gaaray burbur xoog leh.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waxayna intaa ku dartay mid kamid ah rageeda nafhuriyaasha ah uu fuliyay howlgalkan.

todobaad kahor ayay ahayd markii camaliyad midan lamid ah lagu qaaday xarunta maamulka degmada Howlwadaag taas oo geystay khasaare badan oo gaaray askar iyo xubno katirsan maamulka degmadaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.