Xarunta maamulka degmada Waaberi Oo Qaraxyo Lagu Weeraray.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xarunta maamulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Weerarkan oo loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro waxaa la sheegayaa in xilliga uu dhacayay ay xarunta ku sugnaayeen saraakiil katirsan maamulka degmada Waaberi.

Inkastoo la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashey weerarkan, hadana waxaa hubaal ah in qaraxa lagu tuuray xarunta uu gudaha ugu dhacay.

Sidoo kale, dagaalyahanno katirsan Mujaahidiinta ayaa weeraray isbaaro ciidamada dowladda ku leeyihiin biya degeenka Suuqa-xoolaha degmada Huriwaa gobolka Banaadir.

Daqiiqado ayaa rasaas kulul la is weydaarsaday, waxaana markaas kadib ciidamada Mujaahidiinta ku laabteen halkii ay kasoo duulaan tageen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.