Yaman…Caleemaha Geedaha ayay cunaan baahi darteed!
Tuulada Ad-damiina oo dhacda koonfurta gobolka Al-xudeyda, galbeedka dalka Yaman ayay ku noolyihiin Asmaa iyo caruurteeda, aroornima hore ayay kicisaa wiilkeeda weyn ee Anwar, si uu usoo guro caleemaha geed lagu magacaabo Al-xalas oo ka baxa nawaaxiga tuulada.
Marka uu soo noqdo kadib, isagoo wata caleemo badan waxay Asmaa caleemahaas ku shubtaa kirli horey loogu shubay biyo kaas oo saaran dabka, daqiiqado kadibna waxaa soo degaya kirliga lagu karkarinayay caleenta geedka, si wadajir ah ayaana waxaa u cuna iyada, caruurteeda iyo ninkeeda.
“’ma heysano wax kale, maalin weliba caleemahan ayaan cunnaa, subixii ayaan kariyaa caleemahan, illaa cashadana waana cunnaa” waxaa sidaas leh Asmaa oo ay ka muuqatada dhibaatada macluusha iyo culeeska Faqriga.
Waxaa xusid mudan in 26 qoys oo ku nool tuulada Ad-damiina ay dhamaantooda ku noolyihiin caleemahan, maadama aysan heysan wax cunno ah.
Waxay intaa ku dareysaa Asmaa “” mararka qaar ma helno caleemahan”, sababtuna waxay tahay in dhamaan dadka degan tuulada ay noloshooda ku tiirsantahay, iyadoo intaa ay dheertahaya in tuulada iyo nawaaxigeeda ay soo gaareen qoysas kasoo barakacay dagaallada ka socda magaalada Al-xudeyda.
Waxaa dhacda in mararka qaar oo dhif dhif ay cunaan raashiin caadi ah, waxayna Asmaa sheegeysaa in dad muxsiniin ah ay soo gaarsiiyaan raashinkaas, walow uusan ku filneyn.
Arinta kale ee la yaabka leh waxay tahay in caleemaha geedkan cuntada laga dhigto ay shardi tahay in la soo guro kahor inta aysan qoraxdu soo bixin, waxayna Asmaa oo la hadashey Aljazeera.net sheegeysaa in haddii caleentu ay ku dhacdo qoraxda uu isbedelayo dhadhankeeda.
Cabdil Jabaar Maxmuud oo ah mas’uul maxalli oo ku sugan deegaanka Al-badwa wuxuu sheegayaa in dhamaan dadka deegaanka ay barakaceen, kadib markii uu saameyn ku yeeshey dagaallada gobolka ku dhexmaraya Xuuthiyiinta iyo isbaheysiga carbeed.
“ Waxay barakaceen iyagoo aan waxba heysan, dadka qaarkood waxay ku qasbanaadeen iney cunaan caleemaha geedo aysan suuragal ahayn in la cuno” ayuu yiri Cabdil-Jabaar Maxamuud.
1.8 milyan oo caruur ah, kala barkoodana ay da’doodu ka yartahay 5 sano ayaa ka cabanaya cunto xumi baahsan, waxaana laga deyrinayaa xaaladooda haddii aysan helin cunno ku filan oo nadiif ah.
Dhakhtar ka howlgala isbitaalka guud ee magaalada Al-xudeyda ayaa shaaca ka qaaday in caruur badan ay u geeriyoodeen nafaqo dari, ehelladoodana ay waxba u qaban kari waayeen.
Qisaska iyo sheekooyinka ka imaanaya wadanka Yaman ayaa ah kuwa murugo xambaarsan, waxaana dhibaatadan sababteeda ugu weyn leh Xuuthiyiinta iyo Isbaheysiga uu hogaamiyo maamulka Aala-Sucuud, kuwaas oo dagaal aan dhamaad lahayn geliyay shacabka muslimka ah ee Yaman.